Sunday 23 July 2023



Maroodi Maroodi
Maroodi Cadhoole

Kaymaha Miranaaya

Haddii Colku Maago

..........

.........

..........!

Thursday 13 October 2022

Tixsiyoow Tixsiyoow!

 


Tixsiyoow Tixsiyoow!

Talaabo Shinni Qaad!

Talaabo Caarro Qaad!

Cayayaan Miyaa Tahay?

Kolay! Waad Tahay Haa!

Qqur'aan! Ma Ku Taal?

Kolay Waad Ku Taal Haa!

Thursday 18 August 2022

Sirta Janada Iyo Habar Xaayeer

 Sirtii Janada Iyo Habar-Xaayeer:

Beri Baa Waxa Jiray Habar Iyo Oday Isqabay Oo Ku Dhaqnaan Jiray Miyiga, Habartaas Iyada Ah, Waxaa Uu Odaygeedu Ku Kari Waayay, Waan Shaqa Tagayaaye, Hawlahaaga Ka Shaqayso, Oo Hawlaha Aqalkaaga Iyo Adhigaaga Qabso. Mar Walba Oo Ninkeedu Hawl U Diraba, Waxaa Ay Dhihi Jirtay " Shaqadan Maxaa Noo Soo Arkay, Janadaanu Iska Jiri Lahayn'e, Haddaanay Xaawah-Xaayeer Iyo Abkow-Aadam, Janada Naga Soo Saarin'e!" - " Naa! Waxaas Iska Daayoo Shaqayso! Janadaasu Sir ! Eebbeh Weyneh Leeyahay Bay Ahayd'e"- Way Ku Qanci Wayday Hadalkiina Way Badisay! Shaqadiina Lagu Kari Waa'!
"Dee! Sirta Ii Sheeg Bay Dhahdaa ! Aan Shaqooyinkayga Qabsadee!"

Berigii Danbe ! Markuu Shaqadii Ku Kari Waayay , Ayaa Sheekh Meel Loogu Tilmaamay Oo Xakiim Ahaa!" - Sheekhii Baa Ku Dhahay Sidatan:
" Shibir(Male Bird) Soo Qabo!"
" Haan na Ii Keen!"
Intii Buu Keenay!
Sheekh: " Haantaa Shibirka Ku Xidh, Oo Aqalkaaga Dhig! Cunta na Shibirka Ugu Rid"- " Iyada na Ku Dheh - Haantaas Amaanaa Ku Jirtee Ha Isku Furin!"
Sidii Buu Yeelay:
Markuu Aqalka Yimaadaba Waxay Ku Dhahdaa "Haanta Maxaa Ku Jira Ii Sheeg!"
- " Maantana Ma Haantaasaa Lagaa Kari Waayay!..Naa! Iska Shaqayso"
Todoba Dharaarood Intaanay Ka Soo Wareegin, Ayaa Ay Haantii Daboolka Ka Qaaday! Shibirkiina Waa Duulay!
Dharaartii Todobaad Markuu Tuulladii Ka Yimid Ayay Hadashay " Maanta Haantii Baan Furoo! Shibir Baa Ka Soo Dhex Baxay!"
" Naa! Miyaanan Ku Dhihin Waa Amaanee Iska Daa'!"
-"Dee! Haa'ye! Maxaad Iigu Sheegi Wayday In Shibir Ku Jiro Haanta!"
" Maanta Ayaan Kuu Sheegi Karaa! Sirtii Janada Xaawah-Xaayeer ! Iyo Abkowgeenii Aadam! Ee Janada Ka Soo Saartay Wax Laga Kari Waayay Wax Sirtaas Oo Kaleeto Ah! Bay Ahayd!
Habartii: " Inmika Ayaan Gartay !"

Monday 5 September 2016

SHINBIR

Sheekooy Sheeko
Shillin Baa Dhuustay
Gafanaa Sheegay
Shinbir Baa Maqashay
Shallow Bay Haaday
Shunburay Aragtay
Shuf Way U Degtay
Shib Way Margatay!

Tuesday 30 August 2016

SAHSAN EEBBEH! Exalted! Is God's Name!

Image result for free universe photos

Isagaa Ah Eebbeh God Is He Who Is

Aheebka keliya Ah The Only The Perfect

Illaah Kalena Ma Jiro And There Has Been No Other God
Jacalkiisaa Ahaa kow His Love Has Been First
Isagaa Ahaa Kow Though He Was The First
Gartay In La Aq-oonsado He Ordained To Be Known
Aluunkan Sal U Yeelay So He Made Base For This Universe
Xiddigaha Kor U Eeg Look Up The Stars
Bahcadceed Kale Ka Eeg Looking Up For Another Galaxy
Bahcadceedeenan Hoos Ah Our Solar System Being Lower
Dayaxa Oo Ka Mida While The Moon Is Among
Meerayaalsha Kale Eeg Look Up The Other Planets
Udub La'aantan Raaran This Is Uplifted Without Pillar 
Iyo Dhulkan Sii Hoos Ah And The Earth Is Such As Below
Amakaag Lehe Eeg Look At That Wonder! See!
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Isagu Aheeye Eeg He Made It! So See!
Dayaxa Ama Qorraxda The Moon Or The Sun
Ku Aroorsan Dawgooda Rotating In An Orbits
Midkoodna Ka Anbanaynin None Going Astray
Jidadka U Kala Aloosan Of Their Ordained Orbits
Amakaag Lehe Eeg Look Up That Wonder!
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Isagu Aheeye Eeg He Made It! So See!
Isagaa Ah Eebbeh God Is He Who Is
Isagaa Ka Dhigay Eebbeh He Is God Who Made 
Qorraxda Ka Dhigay Ilays Made The Sun To Remain Rays
Dayaxa-na Ka Dhigay Iftiin And Made The Moon To Be Light
Si Ududkeenu U Kaso So That Our Youth May Learn 
Tirsigooda Shimillo Ah The Counting Of The Years
Ama Tubaab Shax Uu Yahay Or The Chart Of Mathematics
Hawraar Nabiy Baa Ah Prophetic Statement Says
Adkaysigu Waa Ilays Endurance Is A Ray
Tukashaduna Waa Iftiin Prayer Is A Light
Loogsiga Oo Tusmaan Ah While Charity Stands As A Proof
Ereyga Wanaagsan-na Ogow Know Also The Good Say
Isaga-na Loogsi Baa Ah That Is Also As Like The Charity
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Hawraar Milgan Baa Ah There Is A Exalted Statement 
Dhahaal Eebbeh Dhahay A Saying God Said
"Ahdoonkaygiiyow! Adigu " O' My Servant ! O'You!
Si Ayaad Rabtaa Koley You Have Got A Want
Anigu-na Si Baan Rabaa And I Have Got A Want
Ma-na Ahaatee Ogow But You Have To Know 
Mooyee Sida Aan Rabo! All Wants Together Never Exceed My Want
Haddii Aad Oofiso If You Fulfil The Want
Sida Aan Rabo Anigu The Way I Want 
Sida Aad Rabto Adigu The Way You Want
Ayaan Kaa Caawiyaa! Will Be Well Supported By Me!
Haddii Aad Oofin Weydo But If You Don't Do 
Sida Aan Rabo Anigu The Way I Want
Sida Aad Rabto Adigu The Way You Want
Ayaan Kugu Daaliyaa Will Last With You An Exhaustion
Ma-na Ahaatee Ogow And You Had To Know
Mooyee Sida Aan Rabo!" All Wants Will Never Exceed The Way I Want "
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Baryo Soo Bari Eebbeh Beg And Beg God Only
Tukasho U Tuko Eebbeh Pray And Pray To God Only
Hantidiisa Irmaan His Affuelant Dominion Of Wealth
Haddii Ahdoon Soo Baryo If A Servant Asks For Some..
Laga Siiyo Intuu Rabo So He/She Is Given As Much As They Asked For
La-na Siiyo Ahdoon Walba And Every Else Servant Is Given 
Intuu Soo Baryee Rabo As Much As He/She Asked For
Waxay La Ekoon Tahay It Is Like...(Comparing To His Dominion Wealth)
Badda Aydin Aragteen An Ocean You Had Seen
Sidii Irbad Loo Daray As If A Needle Is Dipped
Miyay Wax Ka Idlaynaysaa? Can It Diminish The water Of That Ocean?
Ama La'asan Karaysaa? Or Can It Made The Ocean Vanished? 
Irmaan Se Hantidiisu But His Abundant Wealth Remains Intactly Affluent
Amin Walba Eebbeh O'God! Every Now And Then
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Milgan Magaciisu Eebbeh  His Attribute Is Exalted
Magaciisa Walba Eebbeh Every Attribute Or Name Of His 
Maamus Weyn Leh Eebbeh Great Glory Be To God
Tahanle Tahanle Eebbeh Greatness And Greatness Belong To God
Na Aheeye Eebbeh God Is He Who Makes Us
Ah Walba Aheeyaha He Is The One Who Keeps Every Existent To The Being
La-ma Aheeye Eebbeh None Is Ever Said Made Him
Na Wada Aheeyaha He Is Who Makes Us All Together
Na Kala Aheeyaha And Makes Us Each One And Apart
Iskii Ahe Eebbeh Being Independently God
Isagaa Ahe Eebbeh God Is He Who Is
Eex Iska Diiday Eebbeh To Himself He Rejected The Non Justice
Ahdoon Walba Uga Digay And Warned Of Every Servant Doing  Non Justice
Anshax Na Faray Suuban Advised Us To Behave Well
U Hiili Aboowahaa Support Your Brother/Sister
Eexde Ama Laga Eexde Against Doing Non Justice To Each
Hiil Kaga Celi Eexda Support To Defy The Non Justice
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name
Intaa Waynu Adeegnaa All The Time We Are In Service
U Adeeg-gudanaynaa Dedicating Our Good Services
Weynihii Ina Uumay To The Great God Who Created Us
Isagaa Ahe Eebbeh God Is He Who Is
Abaalsan Danbaysiiya Who  Retains The Good Rewards For Later
Eedaha-na Dab U Darbay While Prepared Hell Fire For The Sins
Isagaa Dhow Eebbeh God Is Ever Near By
Isaga Ayaan Dheerayn God Is Never Far Away
Afka Aan Ka Xuso Eebbeh When I Mention Him Out Of My Mouth
Isagaa Sahsan Eebbeh O'God! The Exalted By His Name
Igu Agjooga Eebbeh Tends To Be Near By Me!As God
Iiga Dhowaa Eebbeh O'God! He Is More Nearer To Me
Xawda Dhiiggu Arooro Than The Blood Circulation Of My Body
Na Ebyaa Na Ebyaa Eebbeh God Is Perfecting Us Always
Na Hayaa Na Hayaa Eebbeh God Is Keeping Us Always
Na Hagaa Na Hagaa Eebbeh God Is Guiding Us Always
Na Ogow Na Oge Eebbeh O'God! He Knows Us In Every Where About
Na Maqlow Na Maqle Eebbeh O'God! He Hears Us Always
Na Arkow Na Arke Eebbeh O'God! He Sees Us Always
Xus-san Oo Xus-san Eebbeh O'God! He Worths To Be Well Mentioned Always
Haddaan Shibta Xuso Eebbeh If I Un Loudly Mention God To Myself
Ayin Baan Si U Yeeshaa O' Then I Gain A Virtue
Xaga Eebbeh Ka Xusnaaday O' I Become Mentioned At God's
Haddaan Afka Ka Xusana As So If I Loudly Mention God
Gole Eebbeh Ka Xuso Or Mention God In A Gathering
Ayin Ka Sii Badan Yeeshay O' I Gain More Virtues
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name
Isagaa Gole Ka Roon He In Better Rewarding Does
Iga Yeela Mid Ka Xusan Mention Me In A Better Gathering
Aqalkiisa Milgan Eebbeh God !His Sacred House
Mid Ka Mida Aqallodiisa One Of His Sacred Houses
Haddaan Socod Ku Aado If I Go There Walking
Adimadayda Ku Gaadho Reaching There With My Legs
Marti Eebbaan U Ahay I Be As Guest Of Honour For God
Sidaan U Soo Gaadhay As I Reached There
Si Ka Roon Buu Eebbeh God In Better Reward 
Birmad I Soo Aadaa Comes To Me Rescuing
Anigoo U Ildaran Kol In A Critical Moment That I Am In Need
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name
Ayin Baan Si U Yeeshay O' I Gain A Virtue
Ayin Ka Sii Badan Yeeshay Oh! I Gain More Virtues
Haddaan Baryo Eebbeh If I Beg God
Ama U Tukado Eebbeh Or I Pray To God
Eed Baa Iga Tirmaysa Blaspheme Will Be Erased From Me
Aanaa Iga Hadhaysa Fault Will Be Discarded Of Me
Godob Baa Iga Awdmaysa Sin Will Be Sealed Of Me
Ayimada Dahaysani The Hidden Virtues
Markay Soo Ifbaxaan When They Appear Blossomed 
Waxsan Aheeyeh! Eebbeh God Who Makes The Best
Waxsan Ahee! Eebbeh God Made The Best!
Isagaa Ka Sahsan Xumaan He Is Higher And More Exalted Than Wrongs
Ka Sareeyay Mala-awaal He Ranks Above Imaginations
Wax-na-La-Ma Mid Ahaadaan None That Is Said To Be A Thing Is Like Him
Tusmooyinkiisa Ifyimid His Signs That Are Apparent In The Universe
Isagaa Ka Muuqde Ah He Tends Appearing On And Above Them
Murtidooda Inaga Maqan Their Hidden And Yet Unknown Wisdoms
Isagaa Ku Dahsooneh Ah He Is Veiled By That
Isagaa Ah Isaga He Is He Though
Isagaa Mid Ah Eebbeh He Is The Only God
Isagaan La-la Mid Ahayn And None Comes Like Him
Isagaa Ah Eebbeh He Is God Though
Keligii Ah Eebbeh Being The Only God
Tanaad Weeyeh Eebbeh He Is The Ever Rich
Tanaadshe Weeye Eebbeh He Is The Ever Enricher
Hanuunshe Weeye Eebbeh He Is The Supreme Guider
Weyne Weeye Eebbeh He Is The Great God
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name
Nololhayeh Waa Eebbeh God Is The Life Keeper
Nooleeyeh Weeye Eebbeh God Is The Life Giver
Nabad Weeye Eebbeh God Is So Peaceful 
Galladda-na Isagaa Leh And The Praise Belongs To Him
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name
Jaaha Quruxda Leh Ee Weyn That Magnificent Beauty
Ay Wada Higsanayaan Which Is Aspiration For
Ahdoonnoda Ku Kala Nool All The Servants Living
Koraysyada Iyo Dhulka-ba In The Up Heavens And In The Earth
Quruxdiisaas Aadka Ah That Very Excellent  Beauty Of His
Midna Isuma Ahayn Karo No One Gained By His/Her Own
Wax Inaga Sii Eebbeh God Gave Us All Some Sort Of Beauty
Ku-na Sii Saree Eebbeh And God Still Ranks High By That Amazing Beauty
Jaaha Aan La Gudhsan Karin That Excellent Beauty The Un Vanishing Of His
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Iftiinshe Weeye Eebbeh God Is The Light Giver
Iftiin Ku Galaalacay Who Exhilarated With Lights
Cirka Iyo Dhulka Arkoon Up The Sky And The Apparent Earth
Sahsan Oo Sahsan Eebbeh Exalted! Exalted! Is God's Name!
Haalkiisa Sare Eebbeh His Throne The High
Ee Ku Dalaalimaysan That Is Stretched To
Aluunkaba Dhamaantiis The Whole Universe
Koraysyada Korkeen Ah Up The Heavens Above Us
Taniyo Dhulka Arkoon And Till The Apparent Earth
Taliskiisa Tahan Ee Ah That Great Throne Of His
Ayaynu Hoos Ahaanaa We All Be Under That
Isagaa Leh Awood Tahan He Possess Great Power
Itaal Aan Looga Sarayn A Might With No One Higher
Ogashiisu Waa Nabad His Consent Is Peace
Ogashiisa Run Baa Ah His Consent Is Truth
Sado Lagu Amaan Yahay In Which We Are Securely Stable
Abaalkiisu Waa Tahan His Rewards Are Abundant
Dararan La-la Amakaago Everlasting Bliss
Gobka Gabaabka Ahaaday The Up-Heavens Last Spot The Lotus Tree
Jano Dugsoon Baa Ah There Is A Cosy Paradise
Jacalkiisii Ahaa Kow His Love That Has Been The First
Ayaa Kama Danbaystana Ah Comes Also In The Last
Kama Danbaystana ah Jacal! Comes As Love In The Last!

 


Monday 22 August 2016

XOOR IYO XUUR


XOOR IYO XUUR ( THE SKUNK AND THE DUCK)

Beri baa Xoor jiray ( Once there was a Skunk)
Xuuraamay magaalada ( That scoured the town)
Xeryaha digaagu galo ( Looking for chicken coops)
Xaafadaha wareegay ( He went round the boroughs)
Wuxuu hadba xero u dhaco (Penetrating coops)
Xuurteeyo digaagad ( Killing a chicken)
Wuxuu hadba xabaadhay ( After another seizing another)
Xawda kala jaray digaagad ( Slaughtered them)
Dadkii lahaa xanaaqe (Until the owners got upset)

Ka xisaabtame arrintaa (They discussed ideas among them)
Ka ilaashade xeryihii (On how best to protect their coops)
Noqay Xoorkii deyro ( The Skunk has been alienated)
Xilligii ku adkaa (Life becomes miserable for him)
Xabad digaagadoo ( He fails to find even…)
Meel ku xafishtayna waa’ ( A barren chicken for a meal)
Wuxuu xulay duurka ( He goes through forests..)
Xagaa iyo miyiga ( Way out in the countryside forlorn)
Xagi buu ku soo baxay (At last he arrives at a field)
Bali biyo xeegan yihiin (On it is a lake…)
Xuur ku dabaalanaysa ( In which a Duck is swimming)

Cadaa! Xuurtu cadaa! ( What a white..white Duck!)
Xalane! Xalanaa Xuurtu ( What a Clean..Clean Duck!)
Xag gaajaa u haysa ( The Skunk is hungry for it)
Xagna wuu ka jeclaaday ( But he falls in love at that sight)
Xuu’..Xuu..Magacaa? ( Howdy..Howdy..What is your name? )
Xuur baa la I yidhaah! ( “I am called Duck” She answers)
Ku cuni maayo Xuurey! (“I won’t eat you Duck” Blurts the skunk)
Miyaad na cuntaa ?Xoorow! ( “Do you eat us?” Asks the Duck)
Hadda ka horteed Xuurey! ( “Yes! I used to until now)
Baalaleyda kula xaynta ah ( Birds of your species..)
Xawdaan kala goyn jiray ( I killed them…)
Bulkaan ka xayuubin jiray ( Unfeathered them..)
Cadkoodaan xagxagan jiray ( Before I devoured their meat)
Oo maxaa hadda ku xidhay? ( “What stops you now?” She asks)
Biyahan kugu xeeran iyo ( That water surrounding you..)
Jacayl baa I xanibay! ( And love hindered me!)

Waa maxay xogtaadu? ( “What is your point?”She asks)
In xeerkiisa jacalka ( By the act of love)
Aad xaas iigu noqotid ( “Would you be my wife?”He asks)
Xeerkiisa jacaylku ( The act of love..)
Mid weeyaan Xoorow! ( Is natural for..)
Adeentidu xayn ay tahayba ( All the species..)
Ay isku wada xushmeeyaan ( As by that they respect each other)
Ana aan kuugu xeebtay ( And I would respect you by that)
Xaasnimo se haddii aad (But to be your wife..!)
Xoorow! Ii doonto ( As you suggested ..Skunk!)
Xaashee..Isma geyno! ( Nay..We are not for each other!)

_________________
S A Abdi



Le putois et la canette

Il était une fois un putois
qui parcourait la ville
à la recherche de poulaillers.
Il [/i]sillona la ville,
pénétra dans les poulaillers,
tua un poulet,
en attrappa plusieurs autres,
les massacra
[i]jusqu'au jour où que leurs propiétaires en eurent assez.

Ils cherchèrent ensemble une idée
[i]pour mieux protéger leurs poulaillers.
Le putois[/i] fut bani.
La vie devint rude;
il lui fut[i] difficile
de trouver rien qu'un maigre poulet pour son repas.
[i]Il s'en alla par la forêt,
loin dans la campagne isolée,
arriva enfin dans un champs
au bord d'un lac
sur lequel une canette nageait.

Une canette si blanche
Une canette si propre
[/i]bien que le putois en ait eu l'eau à la bouche,
il eut le coup de foudre.'
'Salut, comment t'appelles-tu?'
'On m'appelle Canette' répondit-elle
'Je ne te mangerai pas, [i]Canette' lâcha [/i]le putois
'Est-ce que tu nous mange d'ahbitude?' demanda la canette
'Jusqu'à maintenant, oui
les oiseaux de ton espèce,
avant, je les tuais
les plumais
et dévorais leur viande. '
'Et qu'est-ce qui t'arrête maintenant?'
'Cette eau autour de toi
et l'amour me retiennent?'

'Où veux-tu en venir? demanda-t-[i]elle
par l'acte d'amour
'Veux-tu m'épouser? demanda-t-[/i]il
l'acte d'amour
est naturel
chez toutes les espèces
c'est grâce à cela qu'elles se respectent
et grâce à cela je te respecterai'
'ëtre ta femme,
comme tu le proposes, putois

non, nous ne sommes pas faits l'un pour l'autre!